Madaxweeynaha Jubbaland oo lagu Soo dhaweeyay Garowe.

0
33

Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Gobaleedka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladd Gobaleedka Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .