Weerar Xalay Lagu Qaaday Hoyga Taliye Farxaan Qaroole.

0
199

warar dheeraad ah ayaa laga helayaa werar xalay lagu qaaday hoyga uu daganyahay taliyaha ciidanka booliska garka ah ee Harmacad oo ku yaala degmada waabare ee gobalka banaadir.

ciidamo ka tirsan kuwa asluubta ayaa si ka dis ah weerar ku qaaday hoyga taliye Farxaan Maxamuud Qaroole taliyaha iidanka booliska garka ah ee Harmacad, hase yeeshee waxaa ka fal celiyey weerarkaas ilaalada taliyaha oo sameeyey iska caabin xoogan.

wararka ayaa intaas ku daraaya in ilaalada taliye Qaroole ay u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah ciidamadii weerrka ku soo qaaday hoyga taliyaha isla markaana ay u gudbiyeeyn xarunta danbi baarista ee CIDa.

ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka ee dawlada fedraalka soomaaliya dhacdadii xalay ka dhacday degmada waabari ee gobalka banaadir.