Dowladda Soomaaliya oo Guulla ka sheegatay Howl galo laga Fuliyay Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

0
88

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa War ka soo saartay Duqeeyn Dhinaca cirka ah , oo ciidamada Mareeykanka AFRICOM iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay ka fuliyeen Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaraa ee Danab iyo saaxibada mareykanka ayaa la sheegay inay duqeyntan ay ka fuliyeen   magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Weerarka Hogaamineysay Ayaa sheegay in Duqeeyntan ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay  Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos.

Sikastaba Muddooyinkii u danbeyay ayaa Ciidamada Mareykanka waxa ay Sara u qaadeen Howlgalada iyo Weerarada Dhanka Cirka ah ee ay ka Fulinayaan Deeganada Dalka.