Sharci madaxweeynaha uu Saxiixay oo Si adag looga Horyimid .

0
77

Qaar Ka Mid Ah Urrurada U Dooda Saaxafadda Ayaa Si Ada Uga Soo Horjeeystay Sharciga Saxaafadda Soomaaliya Oo Uu Manta Qalinka Ku Duugay Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdllaahi Farmaajo.

 

Ururadan Oo Ay Ka Mid Yiiin SOMA Iyo SJS Ayaa War-Saxaafadeed  Dheer Ay Soo Saareen Waxaa Ay Si Adag Uga Soo Hor Jeeysteen Qodobo Kamid Ah Sharciga Saaxaafadda Uu Manta Saxiixay Madaxweeyne Farmaajo.

War-Saxaafadeedka Ayeey Sidoo Kale Ku Sheegeen In Shaarcigan Manta La Saxiixay Uu Si Toos Ah U Dulminayo Wariyayaasha Iyo Warbaahinada Madaxa Banana.

 

Qoraalka Ka Soo Baxaya Ururadaan Ayaa Waxaa Lagu Yiri “Ururka (SJS) & Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee (SOMA) Waxay Si Xoogan U Cambaareeynayaan Xeerka Saxaafadda Ee Madaxweyne Maxamed C / Llaahi Farmaajo Uu Saxiixay Toddobaadkan, Waxaana Ku Xigay Ku Dhawaaqis In Ay Maanta Sameysay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Waxaana Ay Ka Digayaan In Sharciga Saxaafadda Uu Saameyn Ku Yeelan Doono Warbaahinta Soomaaliya Iyo Suxufiyiinta” .

 

Urrurada  SOMA & SJS Ayaa Sidoo Kale Waxaa Ay Sheegeen In Si Walba Oo Xeerkaan Wax Looga Bedelay Uu La Mid Yahay Xeerkii La Ansixiyay Sanadkii 216-Kii Isla Markaana Looga Gol Leeyahay In La Xakameeyo Warbaahinta Iyo Wariyeyaasha.

 

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Sheegay In Xeerka Saxaafada Loo Saxiixay In Wariyeyaasha Iyo Warbaahinta La Xakameeyo Inta Ay Socdaan Owlaha Doorashooyinka Dalka Oo Dhawan Bilaabmaya .