Mas’uuliyiin Xadis xoola Dadweeyne loo heystay oo La xukumay.

0
83

Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa Manta Mas’uuliyiin Ka Tirsan Doqladda Ku Ridday Xukuno Isugu Jiro Ganaaxyo Lacageed Iyo Xabsiyo Waqtiya Dheer.

 

Dadkan Xukunka Lagu Riday Oo Gaaraya Illa Afar Qof, Ayaa Waxa Ku Jira Mas’uulliyiin Xilal Kala Duwan Ka Hayay Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda, Waxa Ayna Kala Yihiin:-

 

1: Guuleed Maxamed Ibraahim Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Qeyraadka Soomaaliya Waxa Ay Maxkamadda Ku Xukuntay 10 Sano Oo Xarig Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo Gaaraya 2,366 Dollar Iyo In Uu Qasnadda Dowladda Ku Celiyo $137,907 Dollar Iyo Ka Reebista Xafiis Dadweyne.

 

2: Cali Sheekhdoon Cabdi  Milkilaha Shirkadda Maamuus Generaal Cintarcting And Service Iyo Madaxa Hubinta Commitmentab Control Ee Xafiiska Xissaabiyaha Guud Ee Dowladda Waxaa Lagu Xukumay 9 Sano Oo Xabsi Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo Dhan 3549 Dollar Iyo In Qasnadda Dowladda Uu Ku Celiyo $58,505 Dollar, Ganaaxa Waxaa Wehliya Ka Reebid Xafiis Dadweyne.

 

3: Aweys Xasan Cumar Xisaabiye Ka Tirsan Waaxda Wasaaradda Warfaafinta Waxaa Lagu Xukumay 6 Bilood Oo Xarig Ah Iyo Ganaax Lacageed $1183 Dollar.

 

4: Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre Waxaa Lagu Xukumay Saddex Sano Oo Xabsi Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo Dhan $1183 Dollar, Waxaana Dhamaan Mas’uuliyiinta La Xukumay Ay Maxkamaddu Sheegtay In Uu U Furan Yahay Racfaan Ku Siman Muddo 30 Maalmood Ah.

 

Sikastaba Dhawaan Ayeey Aheyd Markii Mas’uuliyiin Horay Uga Tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada .