Nin muslimiin Badan Dilay oo Xukun lagu Riday .

0
36

Maxkamadda Dalka New Zealand Ayaa Xukun Xabsi Daa’in Ah Ku Ridday Nin Loo Heeystay In Uu Dilay Dad Fara Badan, Xilli Ay Ku Sugnaayeen Masaajid .

 

Ninkan Xukunka Lagu Riday Ayaa Waxa Uu Toogasho U Geeystay 51-Qof , Kuwaas Oo Malin Jimca Ah Ku Sugna Masaajid Ku Yaala Gudaha Dalka New Zealand .

 

Xaakimka Maxkamadda Magaalada Christchurch Ayaa Markii Ay Soo Dhamaatay Dhageeysiga Eedda Ka Dhanka Ah , Waxa Uu Ku Dhawaaqay In Lagu Xukumay Xabsi Daa’in Aan Cafis Mas’uul Laheyn.
Waxa Uuna Noqonaya Shaqsigi Ugu Horeyay Oo Xukun Noocan Ah Uu Ku Dhaco Gudaha Dalka New Zealand.

29-Jirkaan Oo Lagu Magacaabo Brenton Tarrant , Ayaa La Sheegay In Uu Sidoo Kale Qorsheeynayay In Uu Dilo Ku Dhawaad 40- Oo Kale Oo Muslimiin.

 

Xukunka Ninkaan Ayaana Imanaya, Xilli Dunida Oo Dhan Ay Aad Uga Xumaatay Dhacdadii Sanadkii Hore Ka Dhacday Gudaha Dalka New Zealand .