Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xero Ciidan.

0
96

Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay waaberigii hore ee saakay ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar- sanguuni, waxaana halkaas ka dhacay dagaal socday muddo ku dhow laba saacadood.

Al-shabaab warara ay qoreen baharooda dhinaca internetka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay gudaha u galeen Saldhiga ay ku sugan yihiin Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka tababaray, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan dagaalkaas ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Baar- sanguuni.