Galmudug oo laga Daahfuray Mashruuc Biyo dhaamin ah.

0
49

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka  Galmudug Ayaa Daahfuray Mashruuca Biyoole Oo Ay Soo Diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

 

Munaasibadda Daahfurka Shirka Oo Ay Ka Soo Qeeyb Galeen Wasiiro , Xildhibaano Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Galmudug , Ayaa Waxaa Furitaanka Ka Hadlay Cabdinaasir Geelle Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Galmudug, Isagoo Marti Sharafta Ka Soo Qeeyb Gashay Munaasibadda Warbixin Ka Siiyay Mashruucaan Oo Uu Xusay In Uu Socan Doono Muddo Shan Sano Ah, Ayna Ka Faa’iidaysan Doonaan Dadka Degen Deegaanada Galmud Gaar Ahaan Dadka Beeraleeyda Ah .

 

Dhanka Kale Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe)  Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha Galmudug Ayaa Tilmaamay In Mashruucani Yahay Mid Tijaabo Ah, Loona Baahanyahay In Laga Faa’iidaysto.

 

Qoor Qoor Oo Dhankiisa Daahfuray Mashruucan Ayaa Xusay In Uu Yahay Mid Aad Loogu Baahnaa Marka Loo Eego Deegaannada Galmudug Dhanka Biyaha, Waxa Uuna U Mahadceliyey Cid Waliba Oo Kaalin Ku Leh Mashruuca Biyoole.

 

Si Kastaba Mashruucan Loogu Magic Daray Biyoole Ayaa Noqonaya Mashruucii Ugu Waqtiga Dheera Ee Laga Qabto Galmudug Tan Iyo Markuu Yimid Madaxweeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.