Jubbaland oo Saraakiil Shabaab ka Tirsan Howl-galo ku Dishay.

0
68

Howlgalo Qorsheeysan Oo Ay Ciidamada Daraawiishta Jubbalanad Ka Sameeyeen Deegaano Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose, Ayaa La Sheegay In Ay Ku Dileen Saraakiil Iyo Dagaal Yahano Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

General Aadan Maxamuud Ibraahim Jookaar Taliyaha Guud Ee Ciidamada Ayaa Sheegay In Hwolgalladaan Oo Laga Sameeyay Wadada Isku Xirta Degaannada Janaay Cabdalla Iyo Buulo-Gaduud, Ay Ku Burburiyeen Fariisamo Ay Al-Shabaab Ku Lahaayeen Deegaanadaasi .

 

Taliyaha Ayaa Waxa Uu Sheegay In Intii Ay Howl-Galka Ku Jireen Ay Sidoo Kale Dileen Saraakiil Ka Tirsana Ururka Al-Shabaab, Wallow Illa Iyo Hadda Aysan Cadeeyn Tirade Iyo Magacyada Saraakiisha Ay Howl Galka Ku Dileen.

 

Sikastaba Muddooyinkii U Danbeeyay Ciidamada Daraawiishta Maamul Gobaleeka Jubbaland Ayaa Sii Laba Jibaaray Howl Gala Iyo Weerarada Ay Ku Qaadayaan Fariisamaha Iyo Deeganada Ay Ku Sugan Yihiin Ururka Al-Shabaab.