Mareykanka oo Sheegay in uu Joojinayo Kaalmada uu Siiyo Itoobiya.

0
70

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Xukuumaddda Madaxweeyne Trump Ay Waddo Qorsho Mareykanka Itoobiya Uga Jarayo Kaalmaa Dibadeed Ee Uu Siiyo, Sababo La Xiriira Muranka Dalalka Masar , Sudan Iyo Itoobiya Kala Dhxeeya Biya Xireenka Wabiga Nile, Waxaa Sidaas Weriyey Wargeyska Foreign Policy.

 

Itoobiya Ayaa Cunaqabateyn Tan Ku Weeyn Doonta  Qiyaasta Lacag Dhan 130 Milyan Oo Dollar Oo Ah Kaalmada Dibedda Ee Mareykanka Uu Siiyo Ethiopia, Waxaa Sidaas Wargeyska Foreign Policy U Sheegay Sarkaal Mareykan Ah.

 

Sarkaalka Ayaa Sheegay In Tani Ay Saameyn Karto Kaalmada Amniga, Ka Hor-Tagga Argagixisanimada Iyo Tababarka Miltariga Iyo Mashruucyo Kale.

 

Si Kastaba, Kaalmda La Hakiyey Kuma Jirto Midda Arrimaha Bani’aadanimo Ee Deg Degga Ah, Kaalmada Cuntada Iyo Barnaamijyada Daryeelka Caafimaad Ee Looga Gol Leeyahay La-Tacaalidda Cudurka COVID-19 Iyo HIV/AIDS.