Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Xukun ku ridday Ganacsade.

0
71

Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa Xukun Ku Riday Ganacsade La Sheegay In Lagu Helay Inuu Sameystay Shirkad Sharci Daro Ah Oo U Shaqeyneysay Sida Bankiyada Oo Kale.

Cabdullaahi Axmed Maxamed (Xaaji Gaabow) Ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Waxaa Uu   Eedeeyay Inuu U Shaqeynayay Sida Bankiyada, Iyadoo Uusan Ka Diiwaangelin Shirkadiisa Dowlada Soomaaliya.

Garsooraha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed Ayaa Sheegay In Cabdullaahi Axmed Max’ed (Xaaji Gaabow) Lagu Xukumay Saddex Saddex Sano Oo Xabsi Ah Iyo Ganaax Lacageed Oo Dhan 920,000 Kun Oo Dollar.

Maxkamada G/Banaadir Ayaa Dhinaca Kale Sii Deysay Ayuub Sheekh Maxamed Amiin Oo Ku Eedeysnaa Inuu Lahaa Shirkad Daabacday Warqadda Qaan-Sheegadka Ay Isticmaaleen Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Ee Dhawaan La Xukumay, Kadib Markii Maxkamaddu Sheegtay In Lagu Waayey Wax Dambi Ah.