Saciid Dani oo Magacaabay Xubno Ka mid ah Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida.

0
56

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu magacaabay xubno ka mid ah maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus,kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Digreetada ayaa waxa ay u qornayd sidan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Goddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

2. Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

3. Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

4. Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

5. Waxaa G/le Siciid Aadan Siciid loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool

6. Waxaa G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

7. Waxaa Dhemme Cawil Warsame Maxamed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

8. Waxaa Dhemme Cabdiweli Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

9. Waxaa G/le Cabdi Faarax Cali loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn

10. Waxaa G/le Ibraahim Bile Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

11. Waxaa Dhemme Maxamed Xuseen Axmed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu

12. Waxaa Dhemme Cali Ibraahim Cismaan loo magacaabay Garooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

13. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

14. Waxaa G/le Sahal Cabdi Cartan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.