Wasiirka Waxbarashada oo Shaaciyay Xilliga lagu Dhawaaqayo Natiijada Imtixaanka.

0
64

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ee Xukuumadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Ayaa Shaaciyay Waqtiga Ay Wasaaradda Ay Shaacin Doonto Natiijada Imtixaankii Ay Qaaday Wasaaradda.

 

Wasiirka Ayaa Sheegay Inay Socoto Qiimeynta Ardaydii Sanadkaan Ka Qeyb Gashay Imtixaanka Sidoo Kale Ay Socdaan Howlihii Sixitaanka Imtixaanka Si Jaamacadaha Dalka Galaan Arday Tayo Leh.

 

Waxa Uuna Intaasi Hadalkiisa Ku Daray  In Imtixaankii Ay Sanadkaan Qaaday Wasaaradda Waxbarashada Uu Ka Duwanaa Sandihii Hore, Sidaa Darteedna Aad Looga Txadirayo Howlaha Sixitaanka Imtixaanka .

 

 

Goodax Barre Ayaa Gaba Gabadii Waxa Uu Ugu Baaqay Ardayda Soomaaliyeed Inay Ku Kalsoonaadaan Mas’uuliyiintooda, Isla Markaana Shaqaalaha Imtixaanka Saxaya Ay Wasaaradda Krdhisay,Sidoo Kale Todobaadka Soo Socda La Shaacin Doono Natiijada Imtixaanka.

 

 

 

Si Kastaba Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Ay Sanadkaan Qaaday Wasaaradda Waxbarashada Ayaa Ahaa Mid Ka Duwan Sanadadii Hore , Maadama Imtixaanku Uu Ku Soo Aday Iyadoo Dalka Weli Uu Ka Jiro Safmarka Covid19.