Askari Dil geeystay oo Gacanta Lagu soo dhigay.

0
59

Ciidamada Daraawiishta Mamaul Gobaleedka Jubbaland Ayaa Howl Galo Qorsheysan Ay Sameeyeen Waxa Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Askari Katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Kaas Oo La Sheegay In Uu Oray Dil Ugu Geeystay Qof Shacab Ah , Halka Qof Kalena Uu Dhaawac U Geeystay Degmada Dhoobleey .

 

Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Hogaamineysay Howl Galka Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ay Ku Soo Qabteen Askariga Ayaa Sheegay In Muddoo Dheer Ay Ku Raad Joogeen Sidii Ay Gacanta Ugu Soo Dhigi Lahaayeen Askarigaan, Iyagoo Sheegay In Intii Lagu Guda Jiray Hol Galka Ay Laba Askari Uga Dhaawacmeen Ciidamada Daraawiishta .

 

Saraakiisha Ciidanka Ayaa Sheegay In Ay Sharciga Horgeyn Doonaan, Iyagoo Sheegay In Ay Askarigan Ay Ku Wareejinayyaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya .