Diyaarad Rakaab Sidday oo Cilad ku timid xilli ay ka Duushay Garoonka Adden Adde.

0
45

Dowladda Soomaaliya Ayaa Faahfaahin Rasi Ah Ka Bixisay Diyaarad Siday Rakaab, Kana Duushay Garoonk Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Xilli Ay Ku Sii Jeedday Dalka Turkiga.

 

Diyaaraddan Oo Ay Saarnayeen In Ka Badan 207 Rakaab Ah Ayaa Ku Wajahnayd  Dalka Turkiga, Ayaa Iyada Oo Hawada Ku Jirta Waxa Soo Wajahay Cilad Dhanka Hawada Ah(Oxygen)Xilli Ay Sii Galeysay Hawada Dalka Itoobiya.

 

Hay’adda Duulista Rayidka  Soomaaliya Ayaa Sheegtay In In Diyaaradda Ay Si Nabad Ah Ku Soo Cago Dhigatay Garoonka Muqdisho  Iyada Oo Eegayaan Injineerada Shirkadda Duulimaadka Si Loo Hagaajiyo Cilladda Ku Timid Diyaaraddaasi.

 

 

“Diyaaradda Ayaa Waxa Ay Saacadu Marka Ay Aheyd 1:15 Ka Duushay Garoonka Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho Waxaana Markii Ay Ku Dhaweyd Hawada Dalka Itoobiya Ku Timid Cilad Hase Ahaatee Markii Dambe Waxa Ay Si Nabad Ah Dib Ugu Soo Laabatay Garoonka Aadan Cade Iyadoo Nabad Qabta Mana Jirto Halis Hada Ayaa Lagu Yiri Qoraal Ka Soo Baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

 

 

Sikastaba Shirkadda Duulimaadyada Turkish Airline Ayaa Dib U Bilowday Duulimaadyada Joogtada Ah Ee Caalmaka Kadib Xayiraado Safmarka Covid19 Awgii Ah Oo La Saaray Duulimaadyada Caalamiga Ah.