Axmed Madoobe oo Muqdisho Soo Gaaray.

0
49

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho goor dhaw, waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale qaar ka mid shacab la soo aruuriyay oo loo soo dhiibay Calanka Jubbaland ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si wayn loo adkeeyay , waxaana la xiray inta badan wadooyinka Magaalada sababo la xiriira wafdiga maanta yimid.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Waxaa jiri doono kulamo kala duwan oo madaxdaan ay la yeelan doonaan Madaxda dowladda Federalka Somaliya, balse kulamadaasi ka hor waxaa suuragal ah xubno ka tirsan Beesha Caalamka inay shir gaar ah la galaan madaxda.