Degmada Shibis Ayaa Loo Magacaabay Gudoomiye Cusub.

0
67

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa u magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) oo ka mid ahaa saxafiyiinta magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa horey xilka uga qaaday gudoomiyihii hore ee degmada Shibis kadib markii lagu eedeeyay in uu sameestay boonooyin sharci daro ah oo lacago looga qaadi jiray dadka ku dhaqan degmadaasi.

Wariyahan loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha degmada Shibis ayaa kamid noqonaya tiro wariyaal ah Gudoomiye degmo looga dhigay qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa guddoomiyaal loogaga dhigey dad dhalinyaro ah.