Madaxweynaha Jubaland oo Tawabar u Sooxiray Ciidamada Daraawiishta.

0
58

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoowe ayaa Tababar u soo xiray Ciidamada  Darawiishta Maamulka Jubbaland.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb qaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Alshabaab ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah.

Tababarkaan ayaa Ciidamada Madaxweynaha wuxuu ugu soo xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah ee maamulka jubalaand.