Madaxweynayaasha Jubbland iyo puntland oo Kulan Laqaadanaya Donald Yamamoto.

0
76

Madaxweynayaasha Jubbland iyo puntland ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin waxaa ay garoonka aadan cadde kula leeyihiin Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaliya Donald Yamamoto.

Warar hoose ayaa sheegay in kulanku uu socdo, waxaana lagu qabtay sida la sheegay qaybta VIP-da loo yaqaanno ee Garoonka mana  jirto cid kale oo ku wehelida mas’uuliyiinta shirkaas Al-baabadu uxiran yihiin.

Mamulada Jubbland iyo Puntland ayaa horay u shaaciyay in ay doonayan cid daamanad ka noqota wada-hadalka u billaabanayan Dowladda dhexe iyo labada maamul, waxaana horay ay dhowr jeer ay ugu cel-celiyeen in loo baahan yahay in beesha caalamka ay damaanad ka noqoto waxyaabaha laga wada hadlo.