Farmaajo oo Maanta Daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare.

0
61

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullaahi  Maxamed Farmaajo  ayaa Maanta Daahfuray  Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Wabarashada ayaa goob joog ka ahaa daahfurka, waxaana manhajkaan soo diyasriyay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalkaSoomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasaradda Waxbarashada  ku ammaanay dadaalka iyo sida ay usoo saareen Manhaj Mideysan oo lagu qaadan doono dugsiyada dalka.

Siihayaha Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka qayb galay daahfurka Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare ayaa sheegay in wasaaradu ay hirgalisay manhaj waddani ah oo xanbaarsan sida uu sheegay aragti dhaqaale iyo mid mustaqbal oo ardayda Soomaaliyeed wax weyn ka baddeli doona.

Goodax barre ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay ka go’an taahy horumarinta waxbarashada dalka maadaama ay wasaarda masuuliyad ka saarantahay tacliinta da,yarta soomaaliyeed mustaqbalkooda.