Madaxweyne Farmaajo oo Xalay Ku Qaabilay Villa Somaaliya Axmed Madoowe iyo Dani.

0
82

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaliya kulan casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa horudhac u ah kulan kale oo maanta lagu wado inay labada dhinac ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, kaasoo uu ujeedkiisu yahay in looga hadlo arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan midda doorashada.

Ujeedada kulanka ayaa ah in la isu soo dhaweeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, oo horaan walaac uga muujiyay habdhaqanka Madaxweynaha Qaranka, ka dib tallaabadii meesha looga saaray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Imaanshaha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa ku timid cadaadis xoog lihi oo kaga yimid Beesha Caalamka.

Si kastaba ha-ahaatee ma cadda waxa ka soo bixi doono dadaalada, ay labada dhinac xalka ugu raadinayaan arrimaha doorashooyinka ee dalka, balse rajada umadda Soomaaliyeed ayaa ah in wax wanaagsani ka soo bixi doonaan, marba haddii ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen.