Gudoomiyaha Aqalka Sare oo kulan La Qaatay Saciid Deni.

0
64

Guddoomiya Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntlnad Saciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo oo booqashada ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Puntland ayaa loogaga hadlay xaaladaha siyaasada ee dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Aqalka sare waxa uu kulan la yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho ayaa wada hadallo iyo sidoo kale kulamo kala duwan waxaa uu la leeyahay mas’uuliyiinta Mucaaradka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada.