Maamulka Puntland oo Siidaayey Dad Loo Heestay Dil iyo Kufsi.

0
76

Maxkamadda darjada kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa, waxay xorriyadooda u celisay lix nin oo ku eedaysnaa Kiis Kufsi iyo dil ah, kaas oo sannadkii hore ka dhacay magaalada Garowe.

Maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay, dhegaysiga gar-maqalka Kiiska marxuumad, Hodon Axmed Maxamed Shanlayste, oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay Garoowe, ayaa ugu dambayntii sii daysay lix kamid ah, todoba nin oo u xirnaa Kiiska, kuwaas oo sida maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xabsiga ku sii haysa shaqsiga 7aad ee kiiskaan eedeyntiisa kaasi oo sida la sheegay kala hadlay.

Maxkamadda ayaa muddo kiiskaan ku guda jirtay, inkastoo markii dambe la soo gaba gabeeyay dhageysiga kiiskaan.