Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirka Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka.

0
123

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Shir muhiim ah oo si toos ah loogu wada  hadlay Aaladda fogaan aragga.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa ka qayb galay shirka Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka, waxaana inta shirkaasi uu socday waxyaabo muhiim u ah Soomaaliya iyo guud ahaan waddamada islaamka.

Wasiir Beyle oo shirka ka qayb galay ayaa sheegay in shirkaas looga hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin iskaashiga iyo sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya, waxaana uu tilaamay in shirku uu muhiimad gooni ah u leyahay Soomaaliya.