Alshabaab oo lagala wareegay Deegaano ka tirsan Jubada Hoose.

0
76

Wararka Ka Imaanaya Gobolka Jubada Hoose Ayaa Sheegaya In Ciidanka Xooga Dalka Iyo   Ciidamada Daraawiishta Jubaland Ay Saaka Al-Shabaab Kala Wareegeen Degaanka Jannaa-Cabdalle Oo Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

 

Degaanka Jannaa-Cabdalle  Oo Ciidamadu Ay Kala Wareegeen Al Shabab Ayaa 60 Km Dhanka Galbeed Kaga Beegan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Ciidanka Xooga Dalka  Iyo Kuwa Daraawiishta Ee Jubbaland Ayaa Shalay Ka Ambabaxay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose , Waxana Ay U Jahaysteen Deegaano Ay Joogaan Al-Shabaab.

 

Saraakiisha Ciidamada Jubalandayaa Sheegay  In Ay Sii Wadayaan Hawlgalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaa Islamarkaana Ay Doonayaan In Alshabaab Ay Ka Saaraan  Deegaanada Ay Kaga Sugan Yihiin Jubada Hoose Iyo Gado.