Madaxweyne Dani Oo kulamo ka wado Muqdisho.

0
60

Siciid Cabdullahi Dani Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ku Sugan Magaalada Muqdisho Ayaa Tan Iyo Markii Uu Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Ayaa  Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Dalka.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullhi Dani Ayaa  Xalay Muqdisho Kula Kulmay Tirada Siyaasiyiin Ugu Badnaa Tan Iyo Markii Uu Soo Gaaray Muqdisho.

Hoyga Uu Madaxweynaha Dani Ka Deganyahay Muqdisho Ku Qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden Iyo Ridwaan Xirsi Maxamed Oo Labaduba Hore Usoo Noqday Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Dalka.

 

Waxaa Uu Sidoo Kale La Kulmay Ra’iisul Wasaarihihii Hore Ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camey Hadanna Safiirka Dowladda Itoobiya Ee Soomaaliya.

 

Kulamada Uu Adaxweyne Dani Iyo Masuuliyiinta Ayaa Looga Hadlay Marxalada Kala Guurka  Ee Dalka Uu Maraayo Iyo Arimaha La Xiriira Doorashooyinka.