Madaxweyne Qoor qoor Oo kulan la qaatay Taliyaal Ciidan.

0
77

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Maamulka Galmudug Iyo Wafdigiisa Oo Maalmahan Ku Sugnaa Dalka Jabuuti Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha Gudaha Iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

 

Kulanka Ayaa Waxaa Looga Hadlay Arimo La Xiriira  Amniga Iyo Sidii Ciidamada Hiil-Walaal Iyo Kuwa Galmudug Iskaga Kaashan Lahaayeen Howlgalada Ka Dhanka Ah  Al-Shabaab, Iyo In Ay Dowlada Jabuuti Sii Xoojiso Taageerada Ay Siiso Galmudug.

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Ayaa Kulanka Ku Wehlinaayay Wasiirada Amniga Iyo Arimaha Gudaha Waxaana Ay Sheegeen In Wada Shaqeyn Wanaagsan Ay Dhexmari Doonto Jabuuti Iyo Galmudug.

 

Dhanka Kale Madaxweyne Qoorqoor Ayaa Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Dekeddaha Dalka Jabuuti Oo Uu Kala Hadlay Dhismaha Dekedda Weyn Ee Magaalada Hobyo Ee Gobolka Mudug.