Ciidamada Dawlada oo Ka Hortagay Miinooyin Lagu Aasi Rabay Wada Ka mid ah Wadooyinka Muqdisho.

0
41

Ciidamada Nabad suggida ayaa xalay waqti dambe Muqdisho ku dilay nin ka mid ahaa Saddex ruux oo ku hawlanaa aasida waxyaabaha Qarxa, xilli ay rabeen inay ku aasaan Degmada Yaaqshiid.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay 3:00 Xalay rag hubaysan inay isku dayeen Miino inay galiyaan wado ka mid wadooyinka Degmada Yaaqshiid, balse xogtooda la helay oo Ciidamada ay ku baxeen.

Waxaa halkaasi ka dhacay israsaaseyn, maadaama raggii hubaysnaa ay isdifaaceen, waxaana u suuragashay Ciidamada Nabad Suggida inay toogtaan ninkii ku hawlanaa aasida miinada, halka labadii kale ay baxsadeen.

Guddoomiye Ku Xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow ayaa sheegay in ay israsaaseyntu imaatay kadib markii ragga hubaysan ay diideen inay isdhiibaan.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa hadda gacanta ku haayo miinooyinkaasi, kadib markii ay ka soo qaadeen goobtii la isku rasaaseeyay.

Al shabaab ayaa waayahan dambe waxa ay Miinooyin ku aasaan wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ciidamada iyo masuuliyiinta dawlada ay ku qarxiyaan.c