Wiil Dhalanyaro ah oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
85

Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir ayaa waxa halkaasi ka dhacay dil loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilka ayaa dhacay xalay fiidkii kadib markii wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen dabley hubaysan oo Mooto Fekon wadatay ay ka hor yimaadeen, xilli ay isku dayayeen inay ka dhacaan Mobilka gacanta uu sitay.

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu diiday dhiibista Mobilka, waxaana madaxa looga dhuftay xabad sidaasina uu ku dhintay.

Axmed Xuseen ayaa wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada waxbaratay ee dhawaan ka qalin jabisay mid ka mid Jaamacadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi uu ku waayay rajadii uu nolosha ka lahaa.

Dableydii dilka u gaysatay wiilkaasi dhalinyarada ahaa ayaa ku baxsaday Mooto laba lugaaleydii ay wateen, mana jirin ciidan dabagal ku sameeyay Burcadaasi oo caadeysteen dhaca dadka ku nool xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir.