Caruur ku Geeriyootay Qarax Miino oo ay Ku Cayaarayeen.

0
90

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in carruur ay ku dhinteen Qarax Miino oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaasi.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey oo ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii carruurtaan ay ku ciyaareen waxyaabaha qarxa oo aysan aqoon u laheyn.

Laba carruur ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba kale, waxaana goobta gaaray Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Inta badan deeganada lagu dagaalamay wali waxaa ku aasan haraadiga waxyaabaha Qarxa oo dhibaato ku haayo carruurta oo aan aqoon u laheyn waxyaabaha Qarxa & waxyaabaha aanan qarxin.

Dhaawacyada labada carruurta oo aad u liidata ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo, si xaaladooda caafimaad halkaasi loogu daaweeyo.