Arin Naxdin leh oo Ka Dhacday Magaalada Muqdisho.

0
75

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gabar dhalinyaro ah oo fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay Xaafad ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyadoo falkaas ay geysteen rag dhalinyaro ah.

Falka kufsiga ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi, waxaana Gabdha kufsaday dhalinyaro dhowr ah, kuwaasi oo mid kamid ah gabdha markii hore la sheegay inuu balansaday.

Intaas kadib ayaa waxaa gabdha oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax laga soo tuuray dabaq Lix biyaano ah, iyadoona durbadii goobta ku geeriyootay, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

Allaha u naxariistee Marxuumad Xamdi saakay waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dhacdada loo geystay Xamdi siweyn uga naxay Eheladeeda iyo dad farabadan oo yaqaanay.

Sidoo kale Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa la tilmaamay inay kamid aheyd ardaydii sanadkaan dhameeysatay waxbarashada Dugsiga sare, hayeeshee gelinkii dambe ee shalay loo geystay falkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii falkaas geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana la sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda ay goobta tageen, kadibna ay xireen rag looga shakiyay falkii ka dhacay Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.