Madaxweynaha Galmudug oo Kulamo Kula Qaadanao Nairobi Saraakiil Ka tirsan Imaaraadka Carabta.

0
42

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar ku tagay Nairobi ayaa kulan la qaatay Saraakiil sare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo kulankan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu ka dhacay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana Qoorqoor uu la kulmay Saraakiil uu horkacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah Sii Hayaha Safiirka  Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya inay jirtay balan horay u taallay labada dhinac oo ahaa inay isku arkaan Jabuuti, hase ahaatee Imaaraadka Carabta ka cudur-daarteen, isla markaana kulanka la isla gartay inuu ka dhaco Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Galmudug Axmed Qoorqoor uu muddooyinkii u dambeeyay taageero ka raadinayay Imaaraadka Carabta.

Taageerada Imaaraadka diyaarka ula yahay Galmudug-ta uu hoggaamiyo Qoorqoor ayaa isugu jirta tababarro iyo qalab ciidan, dhisme mashaariic iyo taageero dhaqaale, waxayna Galmudug raadineysaa cid u maalgelisa Dekadda Hobyo oo qorshihii dalka Qatar ku dhisi lahaa aanu soo muuqan.

Inuu Imaaraadku xilligan kala guurka si awood leh usoo galo siyaasadda Soomaaliya ayaa halis ku keeneysa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maamul Goboleed kale laga hoos bixinayo, sida ku dhacday Puntland iyo Jubbaland, waxaana arrintan loo arkaa in Galmudug ay jiho cusub qaadi doonto.