Waxaa lagu Wadaa in uu Furmo Maanta Shirka Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

0
259

Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee uu ku furmayo Shirka dowladda Federaalka, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Sida qorshahu yahay  shirka ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, iygaoo ka wada hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena xaliyay khilaaafyo ka dhex-jiray.