Alshabaab oo Laga Gacan Maroojiey Deegaano Ay Ku Sugnaayeen

0
61

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgalla gobolka Gedo ayaa waxaa ay howlgal ka sameeyeen dhul Miyiga ah oo ku yaalla degaano ka tirsan Gobolkaasi Gedo oo ay ku sugnaayen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa la sheegay inay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka, Luuq, Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegen inay Al-Shabaab kala wareegeen degaannada, salbaay, Ceelmacow, meekareebay, ilaa boglamarka Golweyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo howlgalka horkacaya ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay weli howlgalka wadaan,isla markaana ay ku gaari doonaan degaano kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo waxaa ay geysay Ciidamo farabadan, kuwaas oo gacanta inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulma Al-Shabaab.