Ciidanka Danab oo Howlgalo Ka Sameeyey Gobolka Jubbada hoose.

0
68

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, gaar ahaan Ciidanka Danab ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano hoostagga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Hawlgalkaasi oo dhacay saacadihii la soo dhaafay, ayaa Saraakiishii hoggaamineysay waxa ay sheegeen in lagu dilay Xubno ka tirsanaa Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo Afar kale, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).

Hawlgalka lagu dilay xubnahan ayaa la sheegay inuu ka dhacay nawaaxiga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, waxaana wararka ay sheegayaan Ciidanka inay dib uga soo laabteen deeganadii hawlgalka ay ka fuliyeen.

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, gaar ahaan Ciidanka Danab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay dhaq dhaqaaq xoog leh ka wadeen deegaano badan oo ka tirsan Jubbooyinka.

Al Shabaab ayaa dhankooda isku dayaya inay difaacdaan deeganada Jubbooyinka ay ka joogaan, inkastoo ay la kulmayaan culeesaad kaga yimaada Ciidamada Xoogga dalka.