Faah faahin Dheeraad ah oo Laga Helaayo Shirka Ka Socda Vila Soomaaliya.

0
139

Wararkii ugu danbeeyey ee ay ka heleyso warbaahinta starfm Kulanka Maanta dhexmaraayo Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Maanta ka duwan sidii shalay ayaa waxaa Madaxda shireysa dhex-maraya doodo xasaasi ah, iyada oo aad loo falan qeeynaayo qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay diideen.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb 3 wax ka bedel lagu sameeyo,sida arrimaha la xiriira, doorashayooyinka oo awood siinaya Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka, waxaana Madaxda Maamul goboleedyada ay doonayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal ah.

Sidoo kale qodobada ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland soo jeediyaan in wax laga bedelo ayaa waxaa kamid ah, tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay heshiiskii Dhuusamareeb u ahaa 306 Ergo halka ay dalbadeen in laga dhigo 101 ama 150 Ergo.

Qodobada kale waxaa kamid ah degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka, waxaana qodobada shirkii Dhuusamareeb kasoo baxayay dhigayaan in Dowlad Goboleed walba ilaa Afar degaan ay ka dhacaan doorashooyinka.

Madaxda ayaa la filayaa in weli ay sii wadan dooda la xiriirta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ilaa ay kasoo saaraan shirkooda Go’aan rasmi ah o ay ku wada heshiiyeen dhinacyada wada-hadlaya.