Shil Gaari oo Dhaliyey Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Muqdisho.

0
49

Faah faahino ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, kadib markii gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda uu jiiray Caruur.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaari nooca dagaalka gaar ahaan mid Cabdi bile ah oo ku socday xawaare sare uu jiiray Caruur yaryar iyo kuwo xoogaa roon oo ka yimid Iskuul waxbarasho.

Falkan ayaa sigaar uga dhacay agagaarka Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaas ku geeriyooday hal Cunug, halka Caruur kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dad shacab ah oo xiligaas oo goobta ka Agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay Caruurta ay waxyeelada kasoo gaartay shilkaas, waxaana si Deg deg ah kuwa dhaawacmay loogula cararay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta gaariga Cabdi bilaha uu ku jiiray Caruurta, isla markaana xiray halkaas, iyagoona gaadiidka u diidaya inay maraan goobta.

Inta badan gaadiidka ay saaran yihiin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Askarta Ciidanka ah ayaa waxaa Waddooyinka ku yaalla Muqdisho loogu wadaa si xawaare sare ah.