Taliska Booliska oo Ka Warbixiyey Halka uu Marayo Kiiskii Xamdi Maxamed Faarax.

0
43

Taliska Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay baarista kiiskii isugu jiray kufsiga iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Hotel lagu magacaabo Marwo oo ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska xamdi loo soo qabtay 11 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falkii dhacay, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kale oo qoto-dheer leh.

Booliska ayaa sheegay in laamaha amniga  ay ku daba jiraan dad kale oo la xiriirinayo kiiska, waxaan Qoraalka Booliska lagu caddeeyay in laba eedeysane oo lagu tuhmayay falka ay sii deysay Maxkamadda awooda u leh, kadib markii lagu waayay dembi.

Ugu dambeyn Taliska Booliska ayaa Ehelada Marxuumad Xamdi u sheegay in baariska kiiska uu marayo heer wanaagsan, waxaana shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay gacan ka geystaan baariska kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo kufsi iyo dil la isugu daray.

Hoos ka Akhriso :-