Dhageysi:-Xubno Dheeri Ah Oo Kusoo Biiray Shirka Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Maamul Goboleedyadda.

0
46

Wararkii Ugu Dambeeyey Ay Starfm Ka Heleyso Villa Somalia Ayaa Shegaya In Shirka  Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Goboleedyada Ay Kusoo Biireen Xubno Kale Oo Dheeri Ah.

Shirka Oo Xalay Dib U Billowday Ay Kusoo Biireen Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Iyo Sii-Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Kusoo Biirista Mahdi Ayaa La Sheegay In Ujeedkeedu Yahay Inuu Shirka Ku Matalo Beelaha Dega Gobollada Waqooyi Oo Aan Lahayn Maamul Goboleed Shirka U Fariista, Balse Ma Cadda Sababta Uu Mursal Ugu Soo Biiray.

Ku Biirista Mursal Iyo Mahdi Ayaa Sidoo Kale Taageero Siin Karta Madaxweynaha, Xilli Ay Muuqato In Inta Badan Madax Goboleedyada Ay Isku Aragti Ka Nqodeen Qodobada Ugu Xooggan Ee La Isku Hayo.

Qodobadaasi Ay Isku Raacsan Yihiin Maamul Goboleedyada Ay Waxaa Ka Mid Ah In La Yareeyo Tirada Ergada Codeyneysa, In Meesha Laga Saaro Hanaanka Xisbiyada Iyo In Doorashadu Ay Ka Dhacdo Hal Magaalo.