Fah-faahino:-Ciidamada Dowladda oo howgallo miino baaris ah ka sameeyey gobolka Shabellada Hoose.

0
34

Fahfaahino Laga Helaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyey Degaano Hoostaga Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellada Hoose Ayaa Waxaa La Sheegay Inay Kusoo Saareen Qaraxyo Miino Oo Lagu Aasay Wadooyinka Soo Gala Degmadaasi.

Taliyaha Ururka 66 Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Axmed Maslax Ayaa Sheegay In Ciidamada Ay Howlgal Kusoo Saareen Qaraxyo Ay Al-Shabaab Ku Aaseen Wadooyinka Soo Gala Degmada Awdheegle, Isla Markaana Ay Doonayeen Inay Dadka Ku Dhibaateeyaan.

Sidoo Kale Gaashaanle Axmed Maslax Ayaa Tilmaamay In Howlgalka Lagu Dilay Qaar Ka Mid Ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Ciidamada Dowladda Ayaa Mararka Qaar Waxaa Ay Howlgallo Kala Duwan Ka Sameeyeen Degmooyinka Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, Hayeeshee Ay Weeraro Kala Kulmaan Al-Shabaab.