Fah-Faahino:-In Ka Badan 200 Oo Maxbuus Oo Ka Baxsaday Xabsi Yaalla Dalka Uganda.

0
41

Wararka naga soo gaarayo dalka Uganda ayaa sheegaya In in ka badan 200 oo maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi lagu hayay oo ku yaalla magaalada Moroto, ee waqooyi bari ee wadankaasi

Maxaabiista ayaa geystay dil oo ay nafta ku dhaafiyeen  askari iskudayay inuu ka hor istaago falkaasi ay ku dhaqaadeen ee baxsashadda ah, ka hor inta aanay u jihaysan dhinacaas iyo buuraha ku xeeran magaalada.

Sidookale Maxaabiista ayaa la sheegay inay la baxsadeen 15 qori iyo rasaas, Xabsiga ayaa waxa uu ka dhisanyahay dhuldhaca buurta Moroto ee ku taal bannaanka magaalada.

Ciidammada asluubta iyo milateriga ayaa waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan maxaabiistaasi baxsadka ah.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa waxa uu sheegay in weli ay ku daba jiraan maxaabiistaasi baxsadka ah, waxa uuna intaasi ku daray inay laba qof nolol ku qabteen halka laba kalana ay dileen.

Warbaahinta gudaha dalkaasi Uganda ayaa  ku warramaysaa in israsaasaynta u dhaxaysay maxaabiista baxsadka ah iyo askarta ay sababtay inuu istaago ganacsigii magaalada.