Shan Macalin Dugsi Qur’aan Oo Lagu Dilay Shabeellaha Dhexe+Magacyadooda.

0
93

Wararka Ay Starfm Ka Heleyso Shabeelaha Dhexe Ayaa Sheegaya In Saaka Weerar Lagu Laayey Macalimiin Dugsi Qur’aan Uu Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Gobolkaasi.

Weerarka Oo Ay Fuliyeen Rag Hubeysan Oo Aan Weli Heybtooda La Garaneynin Ayaa Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Degmada Cadale Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda Weerarka Fulisay Ayaa Bartilmaameedsatay Goob Ay Ku Sugnaayeen Macalimiinta, Xilli Ay Ku Jireen Subac Ama Quraan Aqris.

Ugu Yaraan 5 Macalin Ayaa Ku Dhimatay Halkaasi, Sida Ku Cad Xogtaasi.

macalimiintaan la dilay ayaa magacyadooda lagu kale sheegay,

  1. Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere2. Macalin Maxamuud Canbuure
    3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
    4. Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
    5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Dhowaan Ayey Aheyd Markii Degmada Warsheekh Aano Qabiil Darteed Loogu Dilay Oday Ku Dhowaad Jira 100 Sano, Falkaas Oo Lama Filaan Ku Noqday Dad Badan Oo Soomaaliyeed.