Diyaarad Ku Soo Dhacday Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

0
60

Diyaarad sida la sheegay ah nooca xamuulka qaada ayaa goor dhaweyd waxa ay ku soo dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo aan laga hayn macluumaad badan oo ku saabsan soo dhicitaankeeda ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay.

Sawirro laga soo qaaday diyaarada ayaa muujinaayay diyaarada oo soo dhacday, islamarkaana madaxa kula jirta meel darbi ah oo ka mid Garoonka Aadan Cadde.

Shaqaalaha UNKA & Shaqaalaha Somalida ee Garoonka Aadan Cadde ka shaqeeya ayaa gurmad u fidiyay diyaaradaasi, waxaana la filayaa masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde inay faah faahin ka bixin doonaan sababta keentay soo dhicitaanka diyaaradan.