Alshabaab oo Soo Bandhigey Diyaarad Ku Burburtay Shabelaha Hoose.

0
65

Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirada burbur diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka oo ku soo dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegey in xiligii diyaarada dhaceysay ay howlo basaasnimo ka waday duleedka Garoonka Balidoogle oo Saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamo oo Mareykanka tababaray.

Horaantii bishan September ayay aheyd markii Al-shabaab ay soo bandhigeen diyaarad nooca yar ah ee loo adeegsado howlaha basaaska, taasi oo ku dhacday duleedka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka gaar ahaan Taliska AFRICOM oo ka howlgala dalka Soomaaliya.