Dagaalo Xoogan oo Ka Dhacay Gobalka Galgaduud(Sawirro)

0
54

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay meydadka qaar ka mid ah Al Shabaab ee lagu dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad oo kaashanaya Kumaandooska Danab ayaa weeraray Shabaabkii ka arriminayay deegaanka Bulacle, oo qiyaastii 30km dhinaca bari kaga toosan Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada ayaa iska caabin xoogan kala kulmay Al Shabaab, iyagoona ku khasbay inay isaga baxaan deegaankaasi, oo ay hada ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay deegaanada Ceelguuraaye iyo Xirsifiin, oo ku dhow deegaanka Bulacle, oo muddooyinkanba ay ka arriminayeen Al Shabaab.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dagaaladaan u dambeeyay lagu dilay 16 ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo Saraakiil ay ku jiraan, sida uu yiri.

Taliyaha oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaa ku daray in Shabaabka dagaalka looga qabsaday sideed qori, oo isugu jira Ak47, BKM iyo hal qori oo Saban ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa BBC u sheegay in la sii wadi doono hawlgalka lagu baacsanayo Al Shabaab.

Hawlgalada ka soconaya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo dedejiyay weeraradii madaafiicda loo adeegsaday, ee ay Shabaabku labada jeer ku qaadeen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.