Hotel Ku Yaala Magaalada Muqdisho oo Laga Helay Meedka Sarkaal Ka Tirsanaa Villa Soomaaliya.

0
76

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa meydkiisa laga helay hotel ku yaala meel ku dhow barta kala qaybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ceelgaabta.

Gaashaanle Shariif Doofil Cali oo horey u ahaa darawalkii Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee Isniintii meydkiisa laga helay hotelkaasi.

Ma cadda waxa sababay geeridiisa, balse waxaa socda baaritaano la xiriira, oo ay wadaan Saraakiisah Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Hotel Ridwaan ayaa Saraakiisha Booliska u sheegay in habeenkii Axada uu ku hoyday hotelkooda, gelinkii dambe ee Isniintiina ay ur ka dareemeen qolkii uu deganaa, sidaasina ay ku jebiyeen, uguna wargeliyeen dhacdadaasi Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Jajab.

Sidoo kale maamulka ayaa u sheegay Saraakiisha kiiskan baareysa in uu ka mid ahaa macaamiishooda, xilliyada qaarkoodna uu ku hooyan jiray hotelka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inaysan jirin dhaawacyo muuqda, oo lagu arki karo jirka marxuumka, taasoo meesha ka saareysa haddii la dilay in dilkiisa rasaas loo adeegsaday, waase suurtagal in la sumeeyay, waaba haddii la xaqiijiyo in la dilay.

Waa Sarkaalkii ugu horeeyay oo Villa Somalia ka tirsan oo meydkiisa laga helo hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho.