Kulan Ay Maanta Ku Yeesheen Madaxtooyada Dhamaan Masuuyinta Dawlada iyo Maamul Gobaleedyada.

0
55

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada wadajir ula kulmay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada aqal ay wadashaqeyntooda dib u soo celin lahaayeen, isla markaana meesha looga saari lahaa mad-madowga u dhaxeeyay.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la sheegay inay ka shaqeeyeen sidii labada Guddoon khilaafkooda loo xalin lahaa, waxaana ay qeyb ka aheyd waxyaabihii looga hadlay shirarkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex maray Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay wadajir ugu ansixin lahaayeen Heshiiska hannaanka doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa intaasi ku sii darayo in maalinta Sabtida la horgeyn doono labada Aqal hashiiskii laga gaaray doorashooyinka, si ay ugu ansaxiyaan si wadajir ah, si heshiiska doorashada u dhaqan galo.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa dadaal badan ugu jiray sidii loo ansixin lahaa heshiiska doorashada, iyagoo go’aansaday in aanay Muqdisho ka tagin illaa Baarlamaanka labada Aqal ka ansixiyo heshiiskaas.