Mahdi Guuleed oo Hawlo Kormeer ah Ku Tagay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

0
44

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Sii Hayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa hawlo kormeer ku tagay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mahdi Maxamed Guuleed oo uu wehliyo Sii Hayaha Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Saraakiisha Garoonka iyo Masuuliyiinta Shirkadda Favori ee garoonkaasi maamusha ayaa booqday qaybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna masuuliyiintaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka lagu sameynayo.

Wasiir Oomaar ayaa tilmaamay inay socdaan hawlo baaxad leh, oo lagu wado in lagu ballaariyo Garoonka Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

“Waxaan la saxiixanay Shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka, oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi illaa 500 oo mitir ah, dhabaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah, oo qaarkood meel dhexe maraya.” Ayuu yiri Oomaar.

Mahdi Maxamed Guuleed, Sii Hayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhankiisa ku ammaanay masuliyiinta iyo shaqaalaha garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoona ku booriay inay dardargeliyan.