Kulankii Golaha Shacabka oo Ka Furmay Xarunta Villa Hargeysa.

0
66

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa ah kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan la magacaabay iyo khudbad uu Golaha u jeedin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kamid yahay Guddoomiyihii Golaha Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyne farmaajo, isagoona jeedin doona khudbadiisa.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxaana goobjoog ka ah kulankaas 215 Xildhibaan, kuwaasi oo Codka kasoonida siin doona Ra’iisul Wasaaraha Cusub.