Ra’iisal Wasaaraha Cusub oo Maanta La Hogeenayo Golaha Shacabka.

0
49

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta lagu wadaa in kulan aan caadi ahayn ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi doonaan Ra’iisal Wasaaraha magacaaban.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka ayaa waxaa Golaha Shacabka horgayn doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxaa lagu wargeliyay in kulanka maanta ay xilli hore soo xaadiraan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona uu ka codsan doono inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisal Wasaarihiisa cusub.

Waxaa la sii saadaalinaya inay Xildhibaanadu kalsoonida siin doonaan Ra’iisal Wasaaraha uu toddobadkii hore soo magacaabay Madaxweynaha Qaranka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa bilowgii toddobadkan Golaha Shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan, si aan u guto buu yiri waajibaadkeyga.

Rooble ayaa noqonaya Ra’iisal Wasaarihii 2aad ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo, marka laga soo taggo Ra’iisal Wasaarihii ugu mudada dheeraa dalka, labaatankii sano ee ugu dambeysay, waa Xasan Cali Khayre.

Rooble ayaa sidoo kale noqonaya Ra’iisal Wasaarihii ugu mudada yaraa ee xilkan qabta, marka aad eegto billooyinka fara-ku-tiriska ah ee ka harsan muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.